Mogadishu Urological Center is the only Urological Center in Somalia broadly, our main purpose is to preserve MUC as an inclusive, independent, community-driven urology clinic in order to optimize access to excellence healthcare for patients across Somalia.

Related Posts

10ka astaan ugu horeeya ee lagu arko kaankarada ku dhacda ragga

Kaankarada ku dhacda ragga ayaa kusoo siyaadaya bulshada caalamka. Wadamada horumaray ayaa ku bixiya dhaqaale aad u fara badan kaasoo looga gol leeyahay in lagu ogaado sababaha rasmiga ah ee keenay xanuunadaan iyo sida loo heli lahaa daawadiisa. Waa xanuun dilaa ah kaasoo saameyn weyn ku dhex leh goobaha caafimaad. Xanuunkaan ayaan la aqoon waxa rasmiga ah ee sababa iyo daawadiisaba. Taas ayaana ka keentay in la sameeyo sahamo kala duwan oo ay ku baxayso kharashaad aad u fara badan.

Inta badan noocyada kala duwan ee xanuunada kaankaradu waxay leeyihiin heerar kala duwan kuwaasoo ay ku xiran tahay daaweyntoodu. heerka ama bilowga koowaad iyo labaad ayaa ugu jaanis fiican in ladaweeyo waxayna ka turjumayaan inuusan ku fidin dhiigga iyo qaybaha kala duwan ee jirka. Fiditaanka kaankaradu waa musiibo caafimaad taasoo walwal ku abuurtay bukaanka, qaraabadda bukaanka iyo dhakhaatiirta ku lug leh daweyntiisa. Daaweynta iyo cirib tirka heerarka ugu danbeeya ayaan inta badan lagu guuleysan waxayna ka turjumeysaa in kaankaradu ay ku faafto jirka qaybihiisa kala duwan sida beerka, sambabada iyo lafaha.

Cilmi baaris lasameeyey ayaa lagu sheegey in la ogaan karo ififaalada bilowga ah ee kaankarada. Calamadahan ayaa laga soo qaatay in 10 kamid ah ay noqon karaan kuwo bilow u ah kaankaro soo wajahda ragga. Inkastoo aan si dhab ah la isagu raacin cilmi baaristaan waxaa hadana laga faaidi karaa in bukaanii isku arka calaamadaha bilowga oo goor hore la xiriiro isbitaal si uu isaga baaro wax la xiriiro kaankaro. Taasoo sahli karta in loo daaweeyo si aan dhib badnayn hadii natiijada baaritaankaasi noqdo mid la xiriira kaankaro.

10ka astaamood ee sida gaarka ah loo far fiiqay ayaa waxaa kamid ah;

  1. Isabadalada ku dhaca dheefshiidka sida calool istaagga

Isbadalada ku dhaca dheefshiidka sida shuban aad ubadan ama calool istaag mudo dheer ah ayaa la aaminsan yahay inay noqon karto mid bilow u ah kaankaro ku dhacda malawadka iyo mindhicirada kale. Isbadalkaan ayaa lagu tilmaama mid qaata waqti dheer.

  1. Isbdalada ku yimaada kaadida sida inay yaraato ama kabadato sida caadiga ah

Isbadalka ku yimaada kaadida sida qaabka ay usoconayso oo aan ahayn mid toosa ah, waa mid looga shakin karo inuu jiro kaankarada ku dhacda qanjirka ragga kaasoo keeni kara inuu ku fido jirka hadii aan la ogaan xili hore.

  1. Dhiig lagu arko malawadka/maroorka

Iyadoo aysan jirin wax dhaawac oo ka yimid banaanka ama gudaha sida saxarada oo ka weynaata cabirkeeda, dhiiga lagu arko saxarada ama malawadka gaar ahaan ragga da’doodu ay ka weyn tahay 50 sano ayaa lagu tilmaama mid shaki leh. Waxaana loo tiriyaa inuu imaan karo kaankaro ku dhacda malawadka.

  1. Dhiig lagu arko kaadida

Waxaa ka sinaan kara xanuuno badan, oo uu kamid yahay kaankarada ku dhacda kaadi-haysta, astaantaan ayaa waxaa yeelan kara xanuuno kale oo la xiriira kilyaha, tuuboyinka kilyaha kasoo qaada dhiiga iyo infegshinada ku dhaca kaadi mareenka.

  1. Dhabar xanuun joogta ah

Waa xaalad inta badan caadi ah taasoo ku timaada dhaqdhaqaaq la aanta ama shaqada badan. Waxaase dhici karta in dhabar xanuunka joogtadi ahi uu la xiriiro fididaanta kaankarooyin ku dhaca xubno kale sida midka ku dhaca qanjirka ragga.

  1. Burooyin kasoo baxa xiniinyaha

Kaankaradda xiniinyaha ahaa ah mid aad u hooseysa marka loo eego kuwa kale ee kubadan ragga oo ay ka midyihiin midka ku dhaca qanjirada, sambabada iyo beerka. Saasoo ay tahay waa astaantaan aan ahayn mid la inkiri karo, una baahan baaritaan caafimaad

  1. Qufac aan caadi ahayn, aadna u badan

Qufaca joogtada kaasoo aan ku imaan wax xanuun ah oo uu qofku dareemo, ayaa ah mid ubaahan taxadar gooni ah. Hadii uu jiro dhiig soo raaca xaakada la tufayo waxay astaantani noqon kartaa kaankaro kudhacda sambabada waana mid digniin u ah caafimaadka guud ee bukaanka.

  1. Daal joogto ah

Daalku waa mid ku imaan kara siyaabo kala duwan. Xanuuno badan oo ubadan kuwo mudo dheer yahay bukaanka ayaa leh calaanadda daalka joogta ah. Unugyada kaankarada ayaa u kordha si xawli ah waxayna badalayaan unugyada caafimaadka qaba ee bukaanka, taas ayaa keeni karta inay hoos u dhigaan shaqadii jirta bukaankuna uu dareemo daal joogto ah.

  1. Miisaanka oo u dhaca bilaa iyadoo aan la ogeyn sababta keentey

Waa astaan guud oo ay leeyihiin inta badan kaankorooyinka ku dhaca jirka. Astaantaan ayaa ah mid sahasha baaritaanka xanuunkaan, waxaana lagama maarmaan ah in lasameeyo baaritaan guud hadii aan la ogeyn sababta keentay miisaanka oo aad hoos ugu dhacay.

  1. Burooyin kasoo baxa kilkilaha iyo gumaarka iyo naasaha

Kaankarada ku dhacda naasaha maahan mid u kaliya dumarka. Inkastoo aysan badnayn hadana waxay ku dhacdaa ragga. Taxadar loo yeesho burooyinka kasoo baxa meelo kala duwan sida naasaha, kilkilooyinka iyo gumaarka ayaa ah mid muhiimadiisa leh. Waxay noqon karaan burooyin aan fidin iyo kuwo halis ah oo ku faafa jirka taas ayaana ka dhigaysa in la siiyo muhiimad aad u sareysa.

Waxaa la aaminsan yahay in cunooyinka caafimaadka ahi ay u wanaagsanyihiin ka hortagida noocyo badan oo kaankaro ah. Halka hal abuurka loo yaqaano gene-ku uu ka qayb qaadan karo bilowga xanuunadaan mid kamid ah. Feejignaanta loo yeesho astaamahaan ayaa la aamisanyahay in u wanaagsanyihiin daaweynta iyo kahortagida kaankarooyin badan oo ku dhaca jirka qaybiisa kala duwan

No Comments
Post a Comment
Name
E-mail
Website